Paul Merson ayaa saadaaliyay In Arsenal ay ‘gowrici doonto’ Tottenham ilaa Ange Postecoglou uu adeegsado tabo taxadar badan oo ka dhan ah kooxda ay xafiiltamaan.
Kooxaha reer North London ayaa ku bilowday xilli ciyaareedka cusub si cajiib ah iyaga oo badiyay 4 ka mid ah 5 kulan oo ay ciyaareen.
Merson ayaa sheegay in ay Tottenham u baahantahay in ay Arsenal kala hor tagto ciyaar ka duwan ciyaartoodii hore hadii ay doonayaan in ay natiijo kala baxaan kulanka Emirates.
“Ma arki karo wax aan ka ahayn guul Arsenal ah, sida iska cad Arsenal ayaa gawrici doontoa Tottenham, way bur-burin doonaan”ayuu yidhi xidigii hore ee Arsenal.
“Uma malaynayo in ay badali doonaan sida ay u ciyaaraan, Man United ayaa 14 laad ku laagtay goolkooda qaybtii hore ee ciyaarta, hadii ay 14-kaas laad siiyaan Arsenal Bari waan arki doonaa waxa dhaca qaybta hore”.
“Waan jecelahay tababaraha Tottenham laakiin kooxaha kaa fiican waa in aad badasho sida aad u ciyaarto hadii kale way ku ciqaabi doonaan”.

Related



Source link