Kulankii sida weyn loo wada sugayay ee North London Derby ayaa ku kala baxay bar-baro 2/2 ah kadib kulan xiiso iyo xamaasad leh
Kulanka North London ayaa la odhan karaa waxa uu ahaa midkii ugu xiisaha badnaa in muddo ah marka la eego qaab ciyaareedka labada kooxood.
Arsenal iyo Tottenham ayaa si deg-deg ah isugu jawaabayay wax walba oo dhaca iyaga oo koox walba dhinaceeda u doonaysay in ay 3-da dhibcood jeebka ku shubato.
Kulanka ayuu hadheeyay khaladaad ay sameeyeen xiddigaha labada kooxood iyaga oo daafacyada labada kooxood khaladaad badan galay.
Kadib cadaadis badan Arsenal ayaa daqiiqadii 26-aad heshay goolka laakiin waxa is khaldan isaga dhaliyay xiddiga Christian Romero kaas oo hogaanka u dhiibay Arsenal.
Laakiin Tottenham ayaan quusan waxana ay waday isku dayo ay ku doonayso in ay ku dhaliso goolal ay ku bar-bareeyaan.
Daqiiqadii 42-aad ayay Tottenham heshay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Son Heung-min kaas oo ciyaarta ka dhigtay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Qaybta dambe ayay Arsenal sii dar-dar leh ku bilabaatay ciyaarta waxana ay doonayeen in ay ku soo laabtaan hogaanka.
Daqiiqadii 54-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Arsenal ku hogaaminayso.
Tottenham ayaan is dhiibin waxana ay bilaabeen in ay raadiyaan ku soo laabashada ciyaarta.
Daqiiqadii 55-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 2-aad ee bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Son Heung-min kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 2/2 ah kadib kulan xiiso leh.
Related