Kooxda Man City ayaa guul ka gaadhay kooxda Nottingham Forest Kulan ka tirsan premier League kana dhacay Etihad Staduim.
Man City ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay hogaanka ku qabtaan ciyaarta.
Daqiiqadii 7-aad ayay Man City dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Phil Foden kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Man City ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ku dhaliso goolal ay ciyaarta ku disho uguna rajo goyso kooxda Nottingham Forest.
Daqiiqadii 14-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haland kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Qaybta dambe ee ciyaarta ayay Man City sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay goolal ku dhaliso.
Dhinaca kale Nottingham Forest ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah xilli ay Man City difaac fiican ku jirtay.
Daqiiqadii 49-aad ayaa Man City ciyaarta kaadhka cas looga saaray xiddiga Rodri kaas oo madax ku dhuftay xiddig Nottingham Forest.
Waxa sidaas ku dhamataay ciyaarta oo ay Man City guul 2/0 ay ka gaadhay kooxda Nottingham Forest Kulan ay 10 xiddig ahayd qaybta dambe.

Related



Source link