Qaar ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican kubbadda cagta adduunka hadda waa xiddigaha ka ciyaara garbaha weerarka.
Laga soo bilaabo Kylian Mbappe ilaa Lionel Messi, waxay u muuqataa in ciyaartoyda ugu tayada badan kubbadda cagta adduunka ay ka ciyaaraan garbaah weerarka.
Laba ka mid ah xiddigaha ugu fiican garbaha weerarka haatan ayaa kala ah Mohamed Salah iyo Vincius Jr.
Sida uu qabo Ian Wright xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka fiican xiddiga Real Madrid ee Vincius Jr wakhti xaadirkan.
“Vinicius mise Mohamed Salah?” Wright ayaa la waydiiyay.
“Hadii aad dooratid wax ka duwan Mohamed Salah marka aad eegto waxa uu qabtay tan ilaa markii uu ku soo biiray Liverpool waa arin waali ah”ayuu yidhi
“Salah waxa uu qabtay wax walba oo suurtagal ah sidaas darteed waxa aan dooranayaa Mohamed Salah”ayuu sii raaciyay.
 

Related



Source link