Kooxda Liverpool ayaa u muuqata kuwo ku sii dhawaanaya qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa ee looga bartay.
Xaqiiqada ayaa ah in Liverpool muujisay in aan laga badin karin premier Legaue ilaa haatan xilli ciyaareedka iyaga oo badiyay 4 ka mid ah mid kalena bar-baro galay.
Liverpool ayaa si fiican u xoojisay khadka dhexe suuqii xagaaga waxana ay la soo saxiixdeen xiddigo dhawr ah kuwaas oo saamayn ku yeeshay qaab ciyaareedka kooxda.
Waxa si weyn loo amaanay ilaa haatan xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai kaas oo Liverpool kaga soo biiray kooxda RB Leipzig.
Xiddiga reer Hungary ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican Liverpool bishii August waxana uu kooxda si weyn uga caawiyay kadka dhexe.
Morrison ayaa amaanay xiddiga khadka dhexe waxana uu sheegay in uu yahay xiddig si weyn uga yaabay marka la eego qaab ciyaareedkiisa.
“Ciyaaryahankee ayaa kaaga yaabiyay ilaa hadda xilli ciyaareedkan?” Morrison ayaa la waydiiyay.
“Ciyaartoyga Liverpool ee “Szoboszlai Sababta ah markii ay la soo saxiixdeen, ma aanan garanayn laakiin ilaa haatan waa ciyaartoy cajiib ah”.
Related