Graeme Souness ayaa ku eedeeyay Mikel Arteta in uu 65 milyan ku khasaariyay xiddig u ciyaara Arsenal.
Cid walba ayaa yaabtay markii ay Arsenal la soo saxiixatay xiddiga kaas oo ay kala soo wareegtay chelsea.
Xilli ay kooxda Arsenal si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka hadan Havertz ayaa ku fashilmay in uu si fiican u ciyaaro.
Xiddiga reer Germany ayaa kaydka la dhigay kulankii Everton ee todobaadkii hore ka hor inta aanu ku bilaaban shaxda kooxda kulankii PSV ee champions League.
Waxa uu u sheegay Daily Mail: “Dhammaan kharashaadka Arsenal ma aha kuwo macno ii samaynaya. Waxay 65 milyan ginni ku bixiyeen Kai Havertz”.
“Ma hubo sababta ay lacagta intaas leeg ugu bixiyeen xiddig aan si fiican ugu ciyaarin chelsea 3-dii sano ee uu joogay”.

Related



Source link