Liverpool ayaa dib u heshay qayb ka mid ah qaab ciyaareedkii looga bartay waxana ay gaadhay guulo badan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa gaartay afar guul iyo hal barbaro ah horyaalka premier League taas oo keentay in ay Reds ku jirto kaalinta 2-aad ee kala saraynta iyaga oo hal 2 dhibic ka dambeeya hogaamiyayaasha horyaalka ee Man City.
halyeyga Liverpool Emile Heskey ayaa aaminsan in kooxdiisii ​​hore ay tahay inay muujiso dadaal iyo go’aan adag si ay ula tartanto Manchester City xilli ciyaareedkan.
Heskey ayaa sheegay in ay kooxdiisii hore wali u baahantahay shaqo si ay ula tartato kooxda Man City xilli ciyaareedkan.
“Daacadnimo? Malaha maya, laakiin marnaba ma odhan kartid maya Liverpool ma ahan tartame dhab ah”ayuu Heskey u sheegay TalkSport.
Heskey ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Manchester City waa koox aan naxariis lahayn, waxaana filayaa inay jiraan meelo Liverpool ka tirsan oo wax laga qaban karo, laakiin waa inay si hagar la’aan ah ugu dadaalaan sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen halkii ay joogeen”.
Liverpool ayaa wajihi doonta West Ham United Axada kulan ka tirsan wareega lixaad ee horyaalka Premier League.

Related



Source link