Barcelona ayaa ciqaabtay Celta Vigo guul soo laabasho lehna ka gaadhay kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay Camp Nou.
Kooxda Barcelona ayaa looga hor maray laba gool waxana ay Celta Vigo ka yaabsatay kooxda Barcelona.
Kooxda Barcelona ayaa ka badbaaday guuldaradii 1-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii ay ku badisay 3/2.
Daqiiqadii 19-aad ee ayay Celta Vigo dhalisay goolka 1-aad waxana ka dhaliyay xiddiga Jorgen Starnd Larsen kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Celta Vigo ayaa dhalisay goolka 2-aad daqiqiadii 76-aad waxana u dhaliyay xiddiga Anastasios Douvikas kaas oo ciyaarta ku dhigay 2/0.
Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 80-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Robert Lewandowski ayaa daqiiqadii 85-aad dhalisay goolka 2-aad waxana ciyaarta ka dhigay 2/2 ay labada kooxood Bar-baro ku yihiin.
Barcelona ayaa daqiiqadii 90-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Joao Cancelo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Guusha ayaa Barcelona ka caawisay in ay gaadho 16 dhibcood waxana ay goolal kaga haysaa hogaanka horyaalka kooxda Girona.

Related



Source link