Tababaraha kooxda chelsea ee Mauricio Pochettino shaaca ka qaaday sababaha hoos u dhaca natiijooyinka Blues xilli ciyaareedkan.
Kooxda reer London ayaa leh 5 dhibcood,waxana ay ku jirtaa kaalinta 14-aad ee kala saraynta horyaalka Premier League.
Blues ayaa marti galin doonta Aston Villa fiidnimada Axada kulan ka tirsan wareega lixaad ee Premier League.
Pochettino oo rajo ka qaba natiijooyinka Chelsea ayaa yidhi”Waxaan dareemayaa niyad jab, Chelsea si fiican ayay u shaqeysaa, laakiin waxaa naga maqan ciyaartoy muhiim ah.”
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Laakiin waxaan dareemayaa niyad jab, sababtoo ah kooxo badan ayaa wax ka dhaliya fursado ka yar fursadaha aan samayno”.
Kooxda Chelsea ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aad ee horyaalka premier League marka ay la ciyaari doonto kooxda Aston Villa.

Related



Source link