Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada Ryan Gravenberch ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray kulankii Europa League ee ay khamiistii ka badiyeen LASK Linz.
Ka dib markii uu ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka noqdo Bayern Munich, Gravenberch ayaa ku biiray Liverpool maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga.
Xiddiga reer Netherlands ayaa kulankii LASK ee Europa League ku bilowday shaxda kooxda waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul muhiim ah.
Gravenberch ayaa caawiye ka noqday goolka uu dhaliyay Luis Diaz ka hor ninta aan dhaawac loo badalin daqiiqadii 75-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta.
Waxa jiray wal-wal laga qabo xaalada xiddiga Laakiin Klopp ayaa meesha ka saaray cabsida dhaawaca xiddiga khadka dhexe.
“Wuu fiicanyahay, sida uu sheegay”ayuu Klopp ii sheegay.

Related



Source link