Waxa la ciyaaray kulamadii 1-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League xilli la ciyaaray kulamo xiiso iyo xamaasad leh.
Kooxda Bayern Munich ayaa garaacday Man United halka ay Arsenal guul weyn ugu soo laabatay tartanka champions League.
Hadaba Halkan Kaga Bogo Xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii la ciyaaray xalay.
*Manchester United ayaa haatan laga badiyay 18 ka mid ah 35-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan, Tan iyo bilowgii muddadan bishii March 2022, kooxda kaliya ee waligeed joogta Premier League ee laga badiyay kulamo badan oo marti ah waa West Ham (20).
*Manchester United ayaa laga badiyay ugu badnaan afar ka mid ah lixdii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedka tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo 1986-87 intii uu hogaaminayay Ron Atkinson.
*Manchester United ayaa laga dhaliyay 14 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waana kooxda ugu badan ee laga dhaliyay Premier League.
*Arsenal ayaa guul ku bilaabatay tartanka UEFA Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2013-14 (2-1 v Marseille), halka tani ay aheyd guushii ugu weyneyd ee furitaanka tartankaan tan iyo 2010-11 markaas oo ay ku badiyeen 6-0.
*Gabriel Jesus ayaa dhaliyay 50% kullankii uu ku soo bilowday UEFA Champions League, waana heerka sideedaad ee ugu sarreeya ciyaaryahan kasta taariikhda tartanka.
*Manchester United ayaa laga dhaliyay 3+ gool seddex kulan oo isku xigta markii ugu horeysay tan iyo December 1978 markaas oo uu maamulayay Dave Sexton.
Manchester United ayaa laga dhaliyay 2+ gool shan kulan oo xiriir ah markii ugu horeysay tan iyo May-August 2001.
*Serge Gnabry ayaa dhaliyay todobo gool lixdii kulan ee ugu dambeysay oo uu ka horyimid kooxaha Ingariiska ee Champions League, sidoo kale wuxuu ka dhaliyay Spurs (4) iyo Chelsea (2).
*Bukayo Saka iyo Leandro Trossard, laba ciyaaryahan ayaa gool u dhaliyay kulankoodii ugu horeeyay ee Champions League
Arsenal isla ciyaartii ugu horeysay.
*Jude Bellingham oo jira 20 sano iyo 83 maalmood, waa ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee dhaliyay goolkii guusha daqiiqadii 90aad Real Madrid ee champions League halka uu xiddigu noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee sidaas sameeya tartanka koox kasta.
 

Related



Source link