Ku guulaysta seddexda koob ee Manchester United Dwight Yorke ayaa dareensan in dhibaatada kooxdu ay ka bilaabato tababare Erik ten Hag.
Man United ayaa guuldaro 4/3 ah kala kulantay Bayern Munich kulankoodii furitaanka Champions League, waana guuldaradii afaraad ee xilli ciyaareedkan.
Yorke ayaa u sheegay BBC Radio: “Afar iyo toban gool shantii kulan ee ugu dambeysay – taasi waa goolal badan oo koox sida United oo kale ah laga dhaliyo.”
Waxa uu intaa ku daray, “Waxaan dareemayaa goolhayaha cusub Andre Onana in uu marayo mar walba tijaabo”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “laga yaaba in qaladkan goolhayuhu uu yahay qayb yar oo ka mid ah dhibaatada, ugu danbayntii waa in aad kor ilaa hoos ka eegto”.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxay ila tahay in ay ka bilaabato Tababaraha”.
Waxa uu intaa ku daray: “Haddii aad dhagaysato waraysigiisa ciyaarta ka dib, waxa uu sheegay in ay ku saabsan tahay go’aan qaadasho. Hagaag, waan ka xumahay, waxay ku saabsan tahay go’aan qaadashada dhinaca tababaraha iyo sidoo kale ciyaartoyda.”

Related



Source link