Jamie Carragher ayaa taageeray go’aankii Mikel Arteta ee David Raya wuxuuna sheegay in Arsenal aysan waligeed ku guuleysan doonin Premier League iyadoo Aaron Ramsdale uu Goolka uga ciyaarayo.
Raya ayaa Arsenal ugu soo biiray qaab amaah ah suuqii xagaaga waxana uu noqday dookha 1-aad kulamadii ugu dambeeyay ee kooxda Arsenal.
Ramsdale oo kulamo ku bilowday shaxda Gunners ayaa iska waayay shaxda Mikel Arteta labadii kulan ee ugu dambeeyay kooxda Arsenal.
Carragher ayaa sheegay in uu Arteta sax-sanyahay in uu Raya ka dhigto Goolhayihiisa 1-aad ee kooxda Arsenal.
“Waan fahmayaa in aad haysato 2 goolhaye oo isku awood ah, waan fahamsanayahy kalsoonidu dhibatao ku noqon karto Goolhayaha”.
“Laakiin waxa aan hubaa in uu Arteta qaab ciyaareed fiican ka soo saari karo Raya”.
“Raya ayaa ka fiican Ramsdale shaki kuma jiro 100%”.
“Arsenal kuma guulaysan doonto horyaalka premier Legaue hadii uu Ramsdale yahay Goolhayohooda 1-aad”.

Related



Source link