Goolhayaha kooxda Arsenal ee David Raya ayaa ka hadlay in uu noqday dookha 1aad ee kooxda Arsenal.
Raya Oo Arsenal kaga soo biiray Brentford suuqii xagaaga ayaa ku bilowday labadii kulan ee ugu dambeeyay kooxdiisa Arsenal.
Raya ayaa booska kala baxay Aaron Ramsdale kaas oo ku bilowday 4-tii kulan ee ugu horeeyay xili ciyaareedka.
Laakiin Raya ayaaa u muuqda mid noqonaya dookha 1aad ee kooxda Arsenal.
Raya oo ka hadlaya in uu ku bilowday labadii kulan ee ugu dambeeyay ayaa yidhi”kaasi waa doorashada Tababaraha, ma ayan dookhayga”.
“Marka uu Aaron Ramsdale ku soo laabto shaxda waa in uu u dagaalamo kooxda”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link