Paul Merson ayaa aaminsan in ay Arsenal garaaci doonto Tottenham kulanka ugu horeeya ee North London Derby ee Axada.
Labada kooxood ayaa si isku mid ah ku bilowday xilli ciyaareedka iyaga oo leh min 13 dhibcood oo ay ka heleen 5 kulan oo ay ciyaareen.
Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona kulan ka tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier Legaue.
Waxa uu u sheegay Sky Sports: ‘Waxay Tottenham u tahay imtixaan weyn – imtixaan weyn maaha Arsenal, cid walba waxa ay hadal haysaa Tottenham laakiin kaliya waxa ay La ciyaareen Manchester United gurigooda ilaa hadda xilli ciyaareedkan”.
“Axada waxa si dhaw loola socon doonaa Tottenham sababtoo ah iyaga ayaa u baahan in ay maraan tijaabo”ayuu sii raaciyay.
“Waxa aan qabaa in ay Arsenal badin doonto kulanka sababtoo ah waa kooxda fiican wakhti xaadirkan”

Related



Source link