Goolhayaha Kooxda Man United ee Anrea Onana ayaa ka hadlay khaladkii uu sameeyay waxana uu sheegay in uu hoos u dhigay kooxda isla markaas uu aqbalay masuuliyada khaladkii uu galay kulankii Bayern Munich.
Kadib markii ay kooxda Man United si fiican ku bilaabatay kulanka Goolhaye Onana ayaa sameeyay khalad waxana ka faa’iidaystay goolna u badalay fursadaas.
Ciyaarta kadib Onana ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan waxana uu weerar kala kulmay qaar ka mid ah taageerayaasha kooxda.
“Waa ay adagtahay. Waxaan ku bilownay si aad u wanaagsan laakiin qaladkeyga kadib waxaan luminay xakameynta ciyaarta,” Onana ayaa u sheegay TNT Sport.
“Aad ayaan u niyad jabsanahay gaar ahan in aan anigu sabab u ahayd hoos u dhaca kooxda”.
“Kooxdu way fiicneyd, ma aanan badinin kulankaan, aniga ayaana sabab u aha, tani waa sida ay yahay”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link