Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe ayaa guul ku hogaamiyay kooxdiisa PSG kulan ay la ciyaareen Borussia Dortmund.
Mbappe ayaa kooxdiisa u dhaliyay goolka 1-aad ee kulanka daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta.
Sida laga soo xigtay Shabakada Opta, Xiddiga Kylian Mbappe ayaa ku lug lahaa 29 gool 22 kulan ee ugu dambeeyay ee champions League.
Mbappe ayaa dhaliyay 21 gool halka uu caawiye ka noqday 8 kale.
Sidoo kale Mbape ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa champions League xilli ciyaareedkii 7-aad oo xidhiidh ah waxana uu bar-bareeyay Edinson Cavani.
 

Related



Source link