Manchester United ayaa ku guuldareysatay dalab ay ka gudbisay weeraryahanka Brighton Evan Ferguson xagaagii.
ESPN ayaa sheegtay in United ay u soo bandhigtay 50 milyan oo euro 18 jirka reer Republic of Ireland.
Si kastaba ha ahaatee, dalabka waxaa ku qoslay Maamulka Kooxda Brighton.
United ayaa xiiso u qabtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Brighton iyaga oo doonayay in ay ku xoojiyaan weerarka.
Si kasta ha ahaatee Brighton ayaa diiday in ay iibiso fikrada ah in ay iibiso xiddiga da’yarka ah.
Ferguson ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay afar gool oo ay ku jirto saddexleydii uu ka dhaliyay Newcastle.

Related



Source link