Kooxda Arsenal ayaa guul ku bilaabatay tartanka champions League kadib markii ay garaaceen kooxda PSV kulan ka dhacay Emirate.
Gunners ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay garaacaan kooxda reer Netherlands kuna bilowdaan guul.
Daqiiqadii 8-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bukayo Saka kaas oo dhaliyay goolkii 1-aad ee kooxdiisa tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Kooxda PSV ayaa isku dayaysay in ay dhaliso goolal ay ciyaarta ugu soo laabato kuna dhaliso goolka bar-baraha.
Dhinaca kale Gunners ayaa sii waday baacsiga ay ugu jirto goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan si ay PSV ugu diidaan ku soo laabashada ciyaarta.
Daqiiqadii 20-aad ayay Arsenal sii dheeraystay hogaanka waxana dhaliyay xiddiga Leondro Trossard kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Gunners ayaan halkaas ku joogsan waxana ay doonayeen in ay ciyaarta u diraan hurdo si ayna u so laaban kooxda PSV.
Daqiiqadii 38-aad ayuu Gabriel Jesus dhaliyay goolka 3-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Gunners ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Arsenal si qurux badan u ciyaartay isla markaas oo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Qaybtii dambe ayay Arsenal ahayd kooxda fiican iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale oo ay ku badsadaan natiijada ciyaarta.
Daqiiqadii 70-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Martin Odegaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Gunners ku hogaaminayso ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal xasuuqday kooxda PSG guul weyna ku bilaabatay ku soo laabashadooda champions League.

Related



Source link