Waxa caawa la bilaabayaa wareega Group-yada champions League xilli ciyaareedka iyada oo la filayo in la ciyaaro kulamo xiiso leh.
Ka hor bilaabashada champions League waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka tartanka champions League.
*Tan ilaa la bilaabay qaabka cusub ee tartanka Champions League uu soo bilowday xilli ciyaareedkii 2003-04, lix kooxood oo kaliya ayaa ku guulaysatay champions League kadib markii ay ku soo baxeen kaalinta labaad ee wareega group-yada. Afar ka mid ah lixdaas xaaladood ayaa ah Real Madrid (2) iyo Liverpool (2).
*Barcelona waa kooxda ugu badan ee ku soo baxday kaalinta 1-aad ee tartanka UEFA Champions League qaabkan hadda socda (ilaa 2003-04), iyagoo sidaas sameeyay 14 ka mid ah 19kii xilli ciyaareed.
*Guushii Manchester City ee UEFA Champions League xilli ciyaareedkii hore ayaa ahayd markii ugu horeysay ee koox ka socota Group G ay ku guuleysato qaabka hadda la joogo (ilaa 2003-04), halka guuleystaha uusan waligiis ka soo bixin isla group laba xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.
*Tan iyo qaabka hadda ee tartanka UEFA Champions League ee bilaabmay 2003-04, 30% kooxaha ku guulaystay koobka ayaa ka soo baxay Group-ka F, Afarta kooxood ee haatan ku jira Group-kaas ayaa kala PSG, Borussia Dortmund, Milan iyo Newcastle.
Related