Robbie Savage ayaa ka cabsi qaba in Erik ten Hag laga cayrin doono shaqada Man United marka la gaadho ciidada Gaalada waxana uu qabaa in ay haatanba ka baxday tartanka horyaalka premier League.
Dad badan ayaa filayay in ay Man United ka sii fiicnaan doonto sidii markii hore kadib markii uu Ten Hag xilli ciyaareed fiican ku hogaamiyay kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa laga badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee furitaanka xilli ciyaareedka iyaga oo kulankii ugu dambeeyay guuldaro 3/1 ah kala kulmay Brighton.
Saxiixyada cusub sida Andre Onana iyo Mason Mount ayaan si fiican u ciyaarin waxana ay sidoo kale kooxdu wajahaysaa dhibaato dhinaca garoonka dibadiisa ah oo ay ku jiraan Antony iyo Jadon Sancho.
“Waa bilowgoodii ugu xumaa premier League xilli ciyaareedka, sida ay u ciyaarayaan aad ayay u xuntahay sidoo kale Badalkoodu aad ayuu u xunyahay”ayuu u sheegay Planet Sport Bet.
“Lama yaabin in ay Brighton tagtay Old Trafford isla markaas badisay, Erik Ten Hag uma ciyaarsiinayo xiddigaha si ay awoodooda u soo bandhigaan”.
“Ten Hag waxa uu ku jiraa xaalad uu ku qasban yahay in ay kooxdiisu badiso kulamada soo socda”.
“Waxa aan qabaa in uu Ten Hag waayi doono shaqadi marka la gaadho ciidada gaalada sababta oo ah kooxdu aad ayay u dhibaatoonaysaa”.

Related



Source link