Liverpool ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay si xamaasad leh, laakiin Opta miyay aaminsan yihiin inay si dhab ah ula tartami karaan Manchester City iyo Spurs xilli ciyaareedkan?
Dhibco aan lagu qanci karin oo ka heshsy Chelsea maalinta furitaanka xilli ciyaareedka ayaa u muuqata wakhti fog kadib waxa ay gaadhay afar guul oo xidhiidh ah Premier League.
Ka dib isku shaandhayb baahsan oo ay kooxdu samaysay xagaagan oo ay ku waayeen ku waayeen xiddigaha Jordan Henderson, Roberto Firmino iyo Fabinho, waxaa jiray walaac ku saabsan sidii Reds ay uga soo kaban lahayd niyad jabkii xilli ciyaareedkii hore.
Ilaa hadda, Kooxda Jurgen Klopp ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah taageerayaashuna waxa ay bilaabayaan in ay dareemaan calaamadihii ugu horreeyay ee lagu aamini karo in ay kula tartami karaan City horyaalka premier league.
Iyada oo la kaashanayo Opta, waxa la soo saaray sida uu noqon karo kala saraynta ugu dambeeysa ee Premier League waxana la saadaaliyay xilli ciyaareedkan.
Liverpool ayaa loo saadaaliyay kaalinta 2aad halka Man City loo saadaaliyay ku guulaysiga horyaalka premier league.
Halkan Kaga bogo saadaalinta horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.
Man City
Liverpool
Arsenal
Tottenham
Brighton
Newcastle
Aston villa
Man United
…….
12.Chelsea
Related