Arsenal ayaa beri oo arbaco ah la kulmi doonta dhigeeda PSV Eindhoven kulan ka tirsan heerka Groupyada ee Champions League.
Shirka jaraa’id ee uu qabtay tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ku xaqiijiyay maqnaanshaha Gabriel Martinelli oo dhaawac soo gaaray.
Martinelli ayaa ku dhawaacmay kulankii ay Arsenal ka badisay kooxda Everton kulan ka tirsanaa premier League.
Xiddiga reer Brazil ayaan ka qayb galin tartanka kooxdiisa taas oo la macno ah in uu seegi doono kulanka bari.
Arsenal ayaa wajihi doonta Tottenham Hotspur axada soo socota kulan ka tirsan North London derby oo ka tirsan horyaalka premier League.
Arteta ayaa mar wax laga waydiiyay xaalada Martinelli waxa uu yidhi: “Waxa uu dareemay xanuun muruqa ah, waxana aanu u baahanahay in aanu samayno baadhitaano dheeraad ah si aanu u qiimayno in uu jiro dhaawac weyn iyo in kale, laakiin waxa uu seegi doonaa kulanka bari, waa hubaal”.
Mar la weydiiyay haddii Martinelli uu fursad u heli doono in uu ciyaaro kulanka Tottenham Axada ayuu Arteta yidhi”Waa suurtogal, weli ma garanayno.”
 

Related



Source link