Kooxda Man City ayaa guul ku bilaabatay difaacashada champions League iyaga oo garacay kooxda Red Star kulan ka dhacay Etihad.
Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo kooxda Red Star dar-dar kala hor timid Man City kuwaas oo maamulayay ciyaarta.
Man City ayaa fursadaha u helay sida daadka iyaga oo wax walba u sameeyay sidii ay u dhalin lahaayeen goolal.
Laakiin uma suurtagalin in ay wax gool ah u badalaan fursadaha ay helaysay kooxda Man City.
Daqiiqadii 45-aad ayay Kooxda Red Star Kooxda Man City kaga naxsatay goolk lama filaan ah waxana u dhaliyay xiddiga Osman Bukari kaas oo hogaanka u diibay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City ahayd kooxda fiican dhinac walba laakiin kooxda Red Star ka faa’iidaysteen fursad ay heleen.
Qaybta dambe ayay kooxda Man City ku bilaabatay si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay garaacaan kooxda Red Star.
Daqiiqadii 47-aad ayay man City dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Julian Alvarez kaas oo kooxdiisa ciyaarta ku soo celiyay kana dhigay 1/1.
Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal ay ku doonayeen in ay ciyaarta kaga dhaliyaan goolal kale.
Xiddiga Alvarez ayaa mar kale soo laabtay daqiiqadii 60-aad waxana uu dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1.
Daqiiqadii 73-aad ayay man City dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Rodri kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay man City guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Red Star.
Dhinaca kale Barelona ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Antwerp iyaga oo ku badiyay 5/0 guul weyna ku bilowday tartanka champions Leageu.

Related



Source link