Halyeeyga Mark Van Bommel ahna tababaraha kooxda Belgian Antwerp, ayaa ka hadlay fursadaha kooxda Barcelona ee ku guulaysiga champions League.
Kooxda Barcelona ayaa la ciyaari doonto koxda reer Belguim ee Antwerp kulan ka tirsan wareega Group-yada tartanka champions League.
Labada kooxood ayaa ku kulmi doona fiidnimada caawa Luis Companis Stadium ee magaalada Barcelona, ​​waana bilowga safarka labada kooxood ee tartanka ugu muhiimsan kooxaha Yurub.
Van Bommel, oo horay ugu soo ciyaaray Barcelona, ​​ayaa yidhi”Barcelona waxay u ciyaartaa qaab aad u qurux badan waxana ay maamushaa ciyaarta waana wax wanaagsan in la arko”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Waa run in sanadihii ugu dambeeyay ayna u ciyaarin si fiican laakiin way ku guulaysan karaan champions League aniga ahaan kooxda ayaa ka mid ah kuwa ugu fiican, kulankuna waxa uu noqon doonaa mid aad u adag. anaga.”

Related



Source link