Declan Rice ayaa dareensan inuu si sax ah u doortay ka tagista West Ham United kuna biiray Arsenal.
Taasi waa sida uu qabo khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano.
Romano oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Dareenka ayaa ah in ciyaaryahanku aad ugu faraxsan yahay Arsenal. Waxa uu lahaa fursado badan xagaagan, laakiin aad ayuu ugu faraxsan yahay doorkiisa ku biirista Arsenal”
“Manchester City waxay samaysay soo jeedin aad muhiim u ah, laakiin Rice waxay go’aansaday in uu ku biiro Arsenal, hadda dareenka ciyaaryahanka iyo kooxda ayaa ah mid aad u wanaagsan – Arsenal waxay aaminsan tahay in Rice noqon doono xiddig muhiim u ah kooxda sanadaha soo socda”.
“Rice sidoo kale aad ayuu ugu faraxsan yahay Tababaraha Mikel Arteta, asxaabtiisa, mashruuca – dareenka waa mid aad u fiican oo u dhexeeya Rice iyo Arsenal.”

Related



Source link