6 Sano kadib markii laga reebay champions League kooxda Arsenal ayaa maalinta Arbacada ku soo laaban doonta tartanka champions League iyaga oo marti galinaya kooxda PSV kulan ka dhici doona Emirates.
Tababare Mikel Arteta ayaa rajeynaya in kooxdiisu ay awood u yeelan doonto inay u tartanto oo ay awoodeeda ku soo soo bandhigaan tartanka uu awooda badan yurub.
Si kasta ha ahaatee xiddiga Armel Bella Kotchap ayaa digniin u diray kooxda Arsenal ka hor kulanka inkastoo Gunners ay rabto inay hesho seddexda dhibcood.
Xiddiga 21 jirka ah ayaa sheegay in ay kooxda PSV haysato fursad ay Arsenal ku garaaci karto isla markaas garoonka Emirates kala bixi karto natiijo fiican.
Bella Kotchap oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Arsenal sabab la’aan koox weyn ugama ahan Premier League”
“Laakiin haddii aan bixino waxa ugu fiican, waxaan sidoo kale awoodnaa in aan wax kala baxno garoonka,” ayuu raaciyay.

Related



Source link