Laacibka kooxda Liverpool ee Alexis McAllister ayaa kalsooni ku qaba inay si dhab ah ugu tartani doonaan tartanka Europa League.
Reds ayaa bilaabeysa xilli ciyaareedkeesa heerka group-yada ee LASK Linz Khamiista.
“Sida koox kasta oo weyn, waxaad dooneysaa inaad hadafkaaga dejiso mid aad u sarreeya,” McAllister ayaa u sheegay TNT Sports.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan leenahay tartan muhiim ah sida Horyaalka Yurub iyo ka dib England Premier League dabcan, waxaan dooneynaa inaan kooxdaan ku soo celino Champions League”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Marka waa in aanu hiigsano mid aad u sareeya, taasina waa waxa aanu isku dayeyno in aanu talaabo talaabo u qaadno, oo aanu badino kulan kasta, ka dibna waxa aanu arki doonaa mustaqbalka, laakiin dabcan, kooxdan weyn. wax walba waan u dagaalami doonaa.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Dhamaanteen waan ognahay sida uu muhiimka u yahay horyaalka Ingriiska, waa sanad dhan, marka ay wakhtigan dheeraato, kooxda ugu fiican ayaa koobka helaysa”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Weli waanu horumarinaynaa, runtii aad ayaan ugu faraxsanahay wax qabadkeena ilaa hadda, tani waa 100% yoolkeena”.
Related