Four Manchester United players were reportedly involved in a dressing room bust-up after Saturday’s 3-1 home defeat to Brighton & Hove Albion in the Premier League.
Man United ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay Brighton xasuuqday Red Devils.
United ayaa haatanba ku jira kaalinta 13-aad ee horyaalka premier League iyaga oo 9 dhibcood ka dambeeya hogaamiyayaasha Man City.
Sida laga soo xigtay The SUn, Kabtanka Man United ee Bruno Fernandes ayaa ka mid ah dhawr xiddig oo isku dhacay kadib guuldaradii Brigton.
Fernandes oo kabtanimada Maguire ka badalay ayaa lagu soo waramayaa in ay hadalo kulul is dhaafsadeen xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay.
Sidoo kale waxa isku dhacay xiddigaha daafacyada Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof kadib kulankii Brighton ee horyaalka.
Related