Gabriel Martinelli ayaa laga diiday goolkiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan kadib go’aan muran dhaliyay oo VAR ah intii lagu jiray kulankii Arsenal ee Premier League ee ay la ciyaareen Everton.
Xiddiga reer Brazil ayaa dhaliyay goolka daqiiqadii 20-aad kadib markii uu baas ka helay xiddiga Fabio Vieira waxana uu gool u badalay fursadaas.
Kubada ayaa soo martay xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Nketiah iyada oo VAR sheegtay in uu xiddigaas ku jiray Offside.
Waxa kubada taabtay weeraryahanka kooxda Everton ee Beto taas oo la macno ahayd in uuna xiddiga Martinelli ku jirin Offside.
Laakiin VAR ayaa diiday goolka kooxda Arsenal dhalisay sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddiga reer Brazil.
Sida laga soo xigtay PGMOL, VAR waxay u aragtay in taabashada Beto aysan ahayn mid ula kac ah, sidaa darteed Nketiah uu ku jiray Offside.
Related