Mauricio Pochettino ayaa ugu baaqay jamaahiirta Chelsea in ay u dulqaataan saxiixyada cusub wuxuuna ku adkaystay in xitaa Zinedine Zidane uu si adag ku bilowday wakhtigiisii Real Madrid.
Chelsea ayaa kaliya hal guul ka gaadhay horyaalka premier League iyada oo laga badiyay 2 kulan mid kalena bar-baro gashay.
Tan iyo markii ay kooxda la wareegeen Milkiilayaasha cusub kooxdu waxa ay suuqa galisay lacag dhan 1 bilyan oo euro laakiin taageerayaasha ayaa walaac ka muujiyay horumar la’aanta kooxda.
Pochettino ayaa sheegay in ayna ciyaartoyadu mishiin ahayn isla markaas saxiixyada cusub u baahanyihiin in ay la qabsadaan kooxda.
“Chelsea rajada mar walba waa mid aad u weyn,” ayuu yiri Pochettino.
“Marka aad timaado Chelsea ciyaaryahan ahaan ama shaqaale tababarnimo, dadku waxay filayaan inaad guuleysato, koobab kor u qaadaan, si fiican u ciyaaraan oo ay goolal dhaliyaan”.
“Mar walba waxa aan isticmaalaa tusaalaha Real Madrid, markii ay 70 ama 80 milyan ka bixisay Xiddig lagu magacaabo Zinedine Zidane, waxa uu ahaa ciyaartoy cajiib ah laakiin 6 bilood kadib hadii aad taageerayaasha waydiiso waxa ay odhanayaan, maxaanu soo iibsanay”.
|Waxa uu si fiican u ciyaaray 7 ilaa 8 bilood kadib, Zidane waxa uu ahaa 26 ama 27 laakiin markaas soo iibsato xiddigo da’yar ah waa in aan si taxadar leh ula dhaqanto”.

Related



Source link