Mikel Arteta ayaa ku bilaabay David Raya kulankiisii ugu horeeyay ee Arsenal kulanka Everton ee horyaalka premier League.
Aaron Ramsdale ayaa ku soo bilowday Gunners afartii kulan ee hore xilli ciyaareedkan waxana uu ahaa dookha 1-aad ee Mikel Arteta.
Raya ayaa Arsenal ugu soo biiray qaab amaah ah suuqii xagaaga waxana uu kaydka fadhiyay kulamadii hore ee ay kooxda Arsenal ciyaartay.
“Waxan u malaynayaa in aan horay u sheegay in aan doonayo in aan dhiso koox tayo leh oo boos walba uu ka ciyaaro laba xiddig, waxa aan haysanaa taas maanta”ayuu Arteta yidhi ka hor kulanka.
“Si aan uga faa’iidaysano arintaas waxa aan go’aansanay in aan ku bilowno Raya”ayuu sii raaciyay.
“Waxa aan ciyaari doonaa kulamo badan sidaas darteed waa in aan is badalo ku samayno shaxdeena kulamada soo socda”.
Related