Tababaraha Kooxda Arsenal Ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay Xaalada dhaawac ee xiddiga kooxdiisa Gabriel Martinelli.
Gabriel Martinelli ayaa ku dhaawcmay kulankii ay Arsenal guusha 1/0 ah ka gaadhay kooxda Everton kulan ka tirsanaa premier League.
Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa sii wadan kari waayay ciyaarta waxana lagu badalay xiddiga Leandro Trossard kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.
Tababare Arteta ayaa ciyaarta kadib xaqiijiyay in uu xiddiga reer Brazil soo gaadhay dhaawac muruqa ah.
“Waxa uu wax ka dareemay muruqada”ayuu Arteta u sheegay wariyayaasha kadib ciyaarta.
Dhaawaca Gabriel Martinelli Ayaa war xun u ah kooxda Arsenal marka la eego in ay kooxdu ciyaari doonto champions League markii ugu horaysay muddo dheer.
Related