Mauricio Pochettino ayaa daaha ka qaaday inuu ka niyad jabay daafacyada garabka ee Chelsea intii lagu jiray kulankii Premier League ee ay la ciyaareen Bournemouth.
Blues ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Bournemouth kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Natiijada ayaa uga xumaan lahayd chelsea hadii uuna Goolhayeheedu samayn badbaadino cajiib ah intii ay socotay ciyaartu.
Pochettino Ayaa sheegay in uuna ku qanacsanayn qaab ciyaareedka xiddigaha daafaca garabka uga ciyaaray kooxdiisa kulanka.
Tababaraha ayaa sheegay in uuna la dhacsanayn qaab ciyaareedka xiddigaha Levi ColwillMalo Gusto & Ben Chilwell.
“Halka arin ee aan ka niyad jabsanahay ayaa ah daafacyada garabka, waxa ay marar badan isku dayeen in ay weerar qaadaan waxana ay khal-khalinayeen xiddigaha weerarka”

Related



Source link