Jurgen Klopp ayaa qirtay inuu qalad ku galay inuu Alexis Mac Allister ku soo bilaabo kulankii Wolves, isagoo shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool ‘la nasiyay’ markii la bedelay qeybtii nasashada.
Liverpool ayaa ka soo laabatay gool laga dhaliyay bilowgii qaybta hore iyaga oo gaadhay guul 3/1 ah.
Klopp ayaa qaybtii Nasashada badal ku smaeeyay xiddiga khadka dhexe ee Alexis Mac Allister Kaas oo ku bilowday ciyaarta.
“Waxyaabaha ugu wanagsan ee ku saabsan qeybta hore waxay aheyd in aan aad u xumayn oo aan u maleeyay in aanan u ciyaari karin sidaas oo kale qaybta 2-aad”ayuu Klopp yidhi.
“Mac Allister waxa uu u ciyaarayay si aad u hoosaysa waxana uu ku dhibaatooday in uu si ciyaaro”ayuu yidhi.
“Khaladka aan sameeyay ayaa aha in aan Alexis Mac Allister ku bilaabo kulanka”.
Related