Liverpool ayaa halkeeda ka sii wadatay bilowgeedii xooganaa ee xilli ciyaareedkan waxana ay guul cusub ka gaadhay kooxda Wolverhampton oo ay kaga badisay 3 gool iyo hal shalay oo sabti ahayd kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league.
Liverpool waxay la siman tahay Tottenham Hotspur marka la eego tirada dhibcaha, iyadoo ka dambeysa kooxda hogaanka heysa ee Manchester City.
Si kastaba ha ahaatee, halyeyga Manchester United Peter Schmeichel ayaa aaminsan in dhibaatada dhanka daafaca ee Liverpool ay u diidi doonto in ay u tartanto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Halyeeyga kooxda Man United ee Schmeichel ayaa sheegay in ay Man City tahay kooxda difaacan doonta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Schmeichel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Uma malaynayo in Liverpool ay la jaanqaadi karto Manchester City, uma malaynayo in ay awood u yeelan karto, hadii ay kooxi jirtay waxa laga yaabaa in ay Arsenal tahay”.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Uma maleynayo in kooxna la tartami karto Man City marka la eego xiddigaha iyo tayada ay haystao”.
“Shaxda Man City lama bar-bar dhigi kartid Liverpool sababta oo ah Reds waxa ay u nugul yihiin dhinaca daafaca”.

Related



Source link