Kooxda chelsea ayaa booqanaysa Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka premier League kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee xilli ciyaareedka premier League.
Blues ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay ka baxdo xaalad adag ee guuldarooyinka horyaalka premier League.
Chelsea ayaa doonaysa in ay garaacdo kooxda Bournemouth si ay u gaasho guusheedii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Laakiin arintaas ayaa caqbad ku noqon doonta Blues marka la eego xaalada adag ee kulamada ka baxsan garoonkeeda premier League.
Chelsea ayaa ciyaartay 13 kulan oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda waxa laga badiyay 10 kulan halka ay bar-baro gashay 3 kale sidaas darteed kooxda chelsea ayaan badin wax kulan ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ciyaartay premier League kuna ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda.
Markii ugu dambaysay ee ay chelsea guul ku gaadho meel ka baxsan garoonkeeda kulanka horyaalka ayaa ahaa mid ay ka badisay Tottenham bishii Februay 2019.
Related