Kooxda Brighton ayaa si baas ugu digatay kooxda Man United kadib guushii ay ka gadheen kulan ka tirsanaa horyaalka premeir League.
Brighton ayaa 3/1 ku garaacday kooxda Man United kulan ka dhacay Old Trafford iyaga oo milix mariyay dhaawacii Red Devils.
Kooxda Erik Ten Hag ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad ee xilli ciyaareedka iyo waliba guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka.
Kadib ciyaarta kooxda Brighton ayaan u naxariisan kooxda Man United waxana ay si baas ugu digatay iyaga oo maraya baraha bulshada.
Brighton ayaa bogeeda Twitter-ka ciyaarta kadib ku soo qortay”Waxa aan halkan ku gaadhnay guushii 2-aad oo xidhiidh ah Premier League, waan jecelnahay in aan ku ciyaarno Old Trafford”.
Kooxda Brighton ayaa 12 dhibcood ka helay 5-tii kulan ee ay ciyaareen ilaa haatan horyaalka premier League xilli ciyaareedka.

Related



Source link