Kooxda Chelsea ayaa marti u noqon doonta kooxda Bournemouth kulan ka tirsan horyaalka premier League.
Blues ayaa doonaysa in ay ka baxdo xaalada adag ee ay ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub horyaalka.
Dhinaca kale Bournemouth Ayaa doonaysa in ay garaacdo chelsea isla markaas xaalka ku adkayso Kooxda Pochettino.
Kulanka: Bournemouth Vs Chelsea
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 4:00
Garoonka: Vitality Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Bournemouth ayaa laga badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee Premier League ee ay gurigooda kula ciyaareen Chelsea, kaliya guushoodii waxay aheyd 4-0 bishii january 2019.
Chelsea ayaa laba jeer ka badisay Bournemouth xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jirto guushii 3-1 ee ka dhacday Vitality Stadium bishii May – guushoodii kaliya ee 12-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee xilli ciyaareedka.
Chelsea ayaa laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda Premier League. Ma aysan la kulmin afar guuldarro oo isku xigta oo ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonka tan iyo markii ay shan guuldaro la kulmen Ocober ilaa December 2000.
Blues ayaa laga badin karaa labadii kulan ee furitaanka ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay tan ilaa 1990kii.

Related



Source link