Waxa la ciyaaray horyaalka premier League oo meel xiiso leh maraya iyada oo la ciyaaray kulamo aad u xiiso badan maanta oo sabti ah.
Liverpool iyo Man City ayaa guulo soo laabasho leh ka gaadhay Wolves iyo West Ham kadib goolal looga hor maray.
Dhinaca kale xaalka Man United ayaa maraya meel aad u xun kadib markii ay guuldaro kala kulantay kooxda Brighton kulan ka dhacay Old Trafford.
*Danny Welbeck ayaa afar gool oo Premier League ah ka dhaliyay Manchester United, waana ciyaaryahanka ugu badan ee horay ugu soo ciyaaray Red Devils ee sidaas sameeyay.
*Pascal Groß ayaa afar gool ku dhaliyay Old Trafford iyadoo Premier League la jooogo, kaliya Steven Gerrard iyo Mohamed Salah ayaa halkaas ka dhaliyay goolal in ka badan ciyaartoyda ee booqday garoonkaas iyaga oo dhaliyay min 5 gool
*Mohamed Salah ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 200 gool (139 gool, 61 caawin) 223 kulan oo uu Liverpool u ciyaaray horyaalka Premier league, kaliya Thierry Henry ayaa heerkan soo gaadhay kadib markii uu hal koox u saftay tartanka (206 kulan ayuu u ciyaaray Arsenal).
Mohamed Salah ayaa noqday ciyaaryahankii afaraad ee gool caawiyay shan kulan oo isku xigta oo Premier League ah meel ka baxsan garoonka,kaddib Muzzy Izzet (Dec 2003), Cesc Fàbregas (Jan 2015) iyo Gerard Deulofeu (Dec 2015).
*Pascal Groß ayaa afar gool ku dhaliyay Old Trafford Premier League, kaliya Steven Gerrard iyo Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolal intaas ka badan
*Manchester United ayaa laga badiyay seddex ka mid ah shantii kulan ee ugu horeysay horyaalka England Premier League markii ugu horeysay taariikhda Premier League.

Related



Source link