Liverpool ayaa badisay 12 ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League ee ay la ciyaartay Wolves, kaliya marka laga reebo guuldaradii 3-0 ee ka zoo gaadhay kulankan oo kale xilli ciyaareedkii hore. D3 L3).
Kooxda Liverpool ayaa marti u noqonaysa Wolves kulan ka tirsan horyaalka premier League kana tirsan todobaadkii 5-aad.
Reds ayaa doonaysa in ay sii wadato rikoodhkeeda guuldaro la’aanta ah isla markaas sii wado guulaha xidhiidhka ah.
Dhinaca kale Wolves ayaa doonaysa in ay markii ugu horaysay muddo dheer in ay 2 kulan oo xidhiidh ah garoonkeeda ku garaacdo Liverpool.
Kulanka: Wolves Vs Liverpool
Tartanka: Premier Leageu
Wakhtiga: 2:30
Garoonka: Molineux Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Waxa ay doonayaan in ay laba kulan oo isku xigta oo horyaalka ah marka ay la ciyaarayaan Liverpool markii ugu horaysay tan iyo intii u dhaxaysay 1979-80 ilaa 1981-82.
Wolves ayaa dhalisay kaliya 12 gool 23-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaartay Reds.
Kulankan waa midkii 5-aad oo ay ku kulmaan labada kooxood sanadka 2023 kadib 2 kulan oo horyaalka ah iyo 2 kulan oo FA cup-ka ah xilli ciyaareedkii hore.
Liverpool ayaan laga badinin 15 kulan oo Premier League ah tan iyo guuldaradii 4-1 ay ka soo gaartay Manchester City 1dii April.
Related