Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Wolves kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Wolves ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta waxana ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo weeraro ku qaadayay Liverpool.
Daqiiqadii 7-aad ayay Wolves ku qaadatay in ay dhaliyaan goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Xiddiga Hwang Hee-Chan kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Liverpool ayaa bilowday in ay ku soo labaato ciyaarta iyaga oo maamulayay laakiin waxa ay ku dhibaatoonaysay in ay fursado abuurto.
Wolves ayaa maarar badan heshay fursad ay ku dili lahayd ciyaarta kuna badin lahayd iyaga oo dhalin gaadhay goolal dhawr ah.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ku dhibaatootay in ay u dhawaato goolka kooxda Wolves.
Qaybta dambe bilogeeda ayuu Klopp is badal sameeyay waxana uu soo galiyay shaxdiisa xiddigo kaydka u fadhiyay.
Daqiiqadii 55-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Cody Gakpo kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.
Xilli ay Liverpool si aad ah u raadinayso in ay dhaliso gool kale oo ay ciyaarta hogaanka ugu qabato.
Daqiiqadii 85-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Andy Robertson kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Liverpool ayaa daqiiqadii 90+1-aad Heshay goolka 3-aad kadib markii uu xiddiga Hugo Bueno si khaldan isaga dhaliyay goolka 3-aad.

Related



Source link