Kooxda Arsena ayaa loo saadaalinayaa in ay tahay kooxda sida xoogan ula tartami doonta Man City horyaalka premier League xilli ciyaareedkan, gaar ahaan qaab ciyaareedkii fiicnaa ee xilli ciyaareedkii hore.
Intii uu maamulayay Mikel Arteta, Gunners waxa ay ku socotay hannaan sare, iyagoo si joogto ah u wanaajinaya qaab ciyaareedkooda xilli ciyaareed kasta.
Marka la eego dhaq-dhaqaaqooda suuqa kala iibsiga, dad badan ayaa aaminsan in Arsenal ay tahay kooxda haatan heysata fursada ugu fiican ee ay ugu guulaysan karto horyaalka premier League.
Taariikh ahaan, Liverpool ayaa loo arkayay kooxda Man City kula tartamaysa horyaalka xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay wajahday dhibaato weyn.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankii Liverpool ay ku diiday in ay iibso Mohamed Salah suuqii xagaaga ayaa Chris Sutton ku qanciyay in ay Reds wali u tartami karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Sutton ayaa yiri”Laakiin tan ugu muhiimsan, ma ahan riixid, joogistiisa tartanka waa muhiim, laakiin ma aha kaligiis”.
Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxay siineysaa fursad weyn Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxay siineysaa fursad weyn”.
“Waan ogahay qof walba waxa uu ka hadlayaa Arsenal waanan fahmayaa”ayuu sii raaciyay Hadalkiisa.

Related



Source link