Kooxda Inter Milan ayaa rikoor taariikhi ah oo aan horay loo arag ku gaartay kulamada Milan Derby ee ay la ciyaarto kooxda Ac Milan kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga.
Inter Milan ayaa guul taariikhi ah ka gaartay kooxda ay xifaaltamaan ee Milano iyaga oo ka gaadhay guul 5/1 ah kulan ka dhacay garoonka Giuseppe Meazza Stadium, taasoo qeyb ka aheyd kulamadii maanta oo sabti ah, kaasoo qeyb ka ahaa wareega afaraad ee tartanka.
Sida laga soo xigtay shabakadda Opta Sports Numbers and Statistics, Inter Milan ayaa badisay shan kulan oo xiriir ah Milan tartamada oo dhan markii ugu horeysay taariikhda kulamada Derby-ga.
Waa markii labada kooxood ay ku kulmeen garoonka King Fahad Stadium ee caasimadda Sacuudiga ee Riyaad, 18-kii January waxayna Inter ku badisay (3-0) ciyaartii Super Cup-ka Talyaaniga.
Labada kooxood ayaa mar kale ku kulmay horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkii hore February 5, 2023, sidoo kale Inter ayaa badisay (1-0).
Inter Milan ayaa sidoo kale lugtii hore ee semi-finalka Champions League ku garaacday Milan (2-0) lugtii hore ee semi-finalka Champions League, waxayna ku celisay guusheeda kulankii labaad oo ay ku badisay (1-0) waxayna u soo baxday finalka.
Markii ay ciyaarta badiyeen Inter Milan ayaa dhibco dhan 12 ka gashay hogaanka horyaalka talyaaniga, halka Milan ay dhibco ahaan ka soo laabatay kaalinta 9-aad ee kaalinta saddexaad.

Related



Source link