Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa ka hadlay in aan xiddiga Vinicius Junior lagu darin liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee The Best.
Waxa ay FIFA soo saartay Liiska xiddigaha u tartami doona abaalinta The Best ee sanadkan 2023 kadib markii ay xiddigo badan soo bandigeen qaab ciyaareed fiican.
Arinta la yaabka leh ayaa ahayd in aan Liiska lagu arkin xiddiga kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Vinicius Junior.
Taabaraha Real Madrid Anceotti ayaa sheegay in uu Vinicius Junior maalintii oo dhan oohin joojin wayay kadib markii lagu soo dari waayay Liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta.
Ancelotti oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi””Waxaan arkay isaga maalintaas, wuxuuna ku dhex ooyay qolka labiska”.
“Waxan waydiiyay sababta uu la ooyayo Laakiin waxa uu ooyaya muddo 3 ilaa 4 saac ah kadib markii uu magaciisa ka waayay Liiska”.
Related