Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey ayaa aaminsan in Arsenal ay awood u leedahay inay ku guuleysato Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda ayaa si aad ah ugu dhawaa in ay ku guulaysato horyaalka xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay hoos u dhacday dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo Manchester City ku guulaystay horyaalka.
Xili ciyaareed kan kooxda Arsenal ayaa qaab ciyaareed fiican ku bilaabatay waxana ay badisay 3 ka mid ah 4-tii klan ee ay ciyaartay horyaalka Premier League.
Ramsey ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in kooxdu ay ku guulaysan karto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Waxa uu sidoo kale la dhacsan yahay shaqada uu Arteta ka qabanayo garoonka Emirates, waxaana uu aaminsan yahay in Arsenal ay fursad dhab ah u heysato inay ku guuleysato horyaalka.
Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yidhi””Mar walba waxaad arki kartaa in Arteta uu leeyahay aqoonta, xoogga iyo rabitaan uu ku noqdo tababare maalin.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan rajeynayay inaan ku guuleysto Horyaalka markii aan joogay Halkaas, waxaana ku dhiirigelinayaa kooxda hadda jirta in ay ku guulaystaan”
Related