Kooxda chelsea waxa wali ka sii maqnaan doona xiddigaha Chelsea Reece James, Armando Broja iyo Benoit Badiashile kulanka ay Bournemouth halka Enzo Fernandez iyo Moises Caicedo ay diyaar u yihiin kulanka.
Pochettino ayaa waxaa ka maqan sideed xubnood oo ka tirsan kooxdiisa iyadoo Trevoh Chalobah, Carney Chukwuemeka, Wesley Fofana iyo Christopher Nkunku ay sidoo kale dhaawac yihiin.
Isagoo hadlayay ka hor kulanka axada ee Bournemouth, Pochettino ayaan wakhti u qaban in wakhtiga ay soo laabanayaan xiddigaha dhaawaca uga maqan kooxdiisa.
“Reece si fiican ayuu u soo kabsanayaa, ma sheeki karo wakhtiga uu soo laaban doono laakiin maalin walba waan qiimaynaynaa xaaladiisa”.
“Waxa uu bilaabay in uu tababar fudud qaato sidaas darteed waxan rajaynaynaa in uu dhawaan soo laabto”.
Related