Manchester United ayaa beri oo sabti ah marti galin doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan wareega shanaad ee horyaalka Ingiriiska.
Xiddiga cusub ee kooxda Man United ee Sofyan Amrabat ayaan ciyaari doonin kulanka Brighton sabab la xidhiidha dhaawac.
Man United Sofyan Amrabat kala soo wareegtay kooxda Fiorentina iyaga oo kula soo wareegay heshiis amaah ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Amrabat ayaan la ciyaarin xulka qaranka Morocco kulankii ugu dambeeyay ee ciyaaraha caalamiga ah ee ay la ciyaareen Liberia iyo Burkina Faso intii lagu jiray fasaxii ugu dambeeyay ee ciyaaraha caalamiga ah ee isreeb-reebka koobka qaramada Afrika.
Tababaraha Manchester United Erik Ten Hag oo ka hadlaya Amrabat ayaa yidhi: “Amrabat, nasiib darro dhaawac ayuu ku maqnaa, sidaa darteed diyaar uma noqon doono berri oo sabti ah, laakiin waxaan filayaa wakhti dhaw wuu soo laaban doonaa waan hubaa in aan ku raaxaysan doono ciyaartiisa”.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxaa naga maqan daafacyo badan sidaas darteed Reguilon Wuu ciyaari karaa”.
Amrabat ayaa ka mid ahaa afar saxiix oo cusub oo ay Manchester United la soo wareegtay suuqii xagaaga gaar ahaan maalintii ugu dambaysay kuwaas oo kala ah Altay Binder, Jonny Evans iyo Sergi Reguilon.
Manchester United ayaa weli waxaa ka maqan Mason Mount iyo Raphael Varane, laakiin Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof ayaa la filayaa inay diyaar u noqdaan inay ciyaaraan kulanka Brighton ka dib markii laga saaray guuldaradii Arsenal.

Related



Source link