Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Bukayo Saka uu si caadi ah u tababaranayo xilli ay jiraan warar sheegaya in uu dhowr bilood la tacaalayay dhaawac cidhibta ah.
22-sano jirkaan ayaan seegin hal kulan oo Premier League ah oo uu u ciyaaray Gunners labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, waxaana uu sidoo kale ku soo bilowday dhamaan afartii tartan ee ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.
Markii uu ciyaaray kulankii Crystal Palace Saka ayaa bar-bareeyay rikoodhkii Paul Merson oo uu ciyaaray 82 kulan premier League ka hor inta uuna dhaafin kulankii xigay ee Fulham.
Kulankii ay Arsenal ka badisay Man Unitd ka hor fasaxii xulalka ayaa xiddiga Saka ka caawiyay in uu ciyaaro kulankii 84-aad oo xidhiidh ah premier League.
Waxa soo baxay warar sheegaya in uu xiddigu la dhibaatoonayay dhaawac cidhibta ah waxana wax laga waydiiyay Mikel Arteta ka hor kulanka Everton.
“Wuu fiicanyahay, si caadi ah ayuu tababar u qaatay ma jirto wax laga wal-walo”ayuu Artea yidhi.

Related



Source link