Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo celin karto xiisihii ay u qabtay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Thomas Partey iyada oo uu shaki ku jiro mustaqbalka Paul Pogba.
Pogba ayaa si ku meel gaar ah looga ganaaxay kubada cagta ka dib markii laga helay testosterone ka dib markii Juve ay 3-0 kaga badisay Udinese bishii hore, ciyaar uu ku daawaday bedel aan la isticmaalin.
30-sano jirkaan ayaa xagaagii hore beeca xorta ah ugu soo laabtay Juventus waxaana la siiyay ilaa fiidnimadii Khamiista si uu uga jawaabo, waxaana wakiilka ciyaaryahanka uu tan iyo markaas xaqiijiyay inuu codsaday in baaritaan lagu sameeyo.
Sky Sports News ayaa ku warameysa in Juventus ay diyaar u tahay inay hakiso mushaarka xiddiga reer France hadii lagu helo inuu jabiyay sharciga daroogada, sidoo kale kooxda Serie A ayaa heysata fursad ay ku kansasho heshiiska xiddiga hadii ciyaarta laga mamnuuco.
Dhanka kale warar ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus doonayso saxiixa xiddiga kooxda Arsenal ee Thomas Partey si uu u noqdo badalka Pogba.
Partey ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqi karo Turin inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga kooxda Juventus ayaan wax tallaabo ah u qaadin saxiixa xiddiga.
Related